Bismillah,
Dabeecadaha caruurta markii laga hadlayo, waxaa badanaa la isku raaciyaa 4 kooxood, kooxdiiba waxay leedahay astaamo u gaar ah oo badanaa looga sooci karo kooxaha kale.
✿ 1-aad: Waa caruurta jecel wax isku-dayga, tijaabinta, isbiimeynta, hadalka aan la ganban, warkooda cadaysan karo, jecel tartanka, jecel inay guul gaaraan ama xaqiijiyaan hadafkooda, howshii loo diro si fiican u qabto, jecel inay wax hogaamiyaan, ku fiican khuddo dajinta iyo xal raadinta, neceb guuldarrada.
✿ 2-aad: Waa caruur bulsho ah, si sahlan asxaab cusub ku samaysan karo, ciyaarta jecel, aad u hadlo, inay sheekeeyaan jecel, khiyaalka iyo suuraynta ku fiican, sheekooyinka xiiseeyo, u sahlan la dhaqanka bulshada, deeqsi ah, in wax lala qeybsado aan dhib u arkin, dhakhsane uma niyad jabaan, badanaa dhinaca fiican ayay wax ka eegaan, leh firfircooni iyo dad soo dhawayn.
✿ 3-aad: Waa caruurta nidaamka jecel, u nugul tafaasiisha iyo warbixinnada dheeraadka ah, taxaddarka badan, jecel inay wax badan ogaadaan, waxne hubsadaan, jecel falaanqaynta, aad u ixtiraamo dadka kale in la ixtiraamane jecel, badanaa dadka kama soo sheegtaan, aamusnaanta ayay u badan yihiin.
✿ 4-aad: Waa caruurta fakarka u saaxiibka ah, u sahlan tahay wax la qabsiga, jecel nabadda, aad u dagan, ka fogaado buuqa, foojigan, dulqaad badan, siyaasi ah, ku hadli karo hadallo da'dooda ka wayn, dadkane qancin karo, isna xakamayn karo.
Taasi waa sharaxaad kooban, waa laga yaabaa in cunuga uu dabci ka wato laba ama sadax koox, laakiin badanaa hal koox ayey astaamaha u badnaan doonaan, kala soocitaankaan waxay caawisaa sida loo kobcin karo dabciyada cunugaaga iyo dhinacyada lga dhiiro gelin karo.
Haddii aad u fiirsatid caruurtaada waxaad arkaysaa in cunug walba uu leeyahay dabciyo u gooni ah, waxyaaba uu jecel yahay iyo waxyaabo uu neceb yahay, ilaahay ayaa sidaa u abuuray, qasab ma ahan adiga dabcigii aad ka heshay in caruurtaada aad ku qasabtid ama hal mid aad ka wada dhigtid, mid walba faa'ido ayuu leeyahay, waa in aad saxdaa oo aad toosisaa oo aad habaysaa kaliya. laakiin taasi waxaa ka horaysa in aad noqotid waalid feejigan oo il-dheer caruurtisia ku eego, waqtine u hayo.
Akhristow, Haddii aad u fiirsatay cunugaaga kooxdee ayaad isleedahay wuu ka tirsan yahay? Maxaase kaaga soo baxay qoraal.
View more on Facebook
This site was designed with Websites.co.in - Website Builder
We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!
Have a great day!
Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support