#MUWAADINKA__SOOMALIGA__AHOW__XISAABTAN__XUSUUSNOW__XALKEEDA
Sida uu muujinayo bogga Air Navigator oo lagala socdo macluumaadka dayuuradaha rakaabka ee isaga kala goosha dunida, hawada Soomaaliya xilligan 12-kii duhurnimo waxaa maraya 12 diyaaradaha rakaabka ah, badankoodu waa Emirates Airline, Qatar Airways, Ethiopian Airways, waxaase ku jira Air France iyo Air Isra’il.
Sida ku cad xogihii ugu dambeysay ee hay’adihii gacanta ku hayey ururinta dakhliga laga qaado diyaaradaha ka gudba hawada Soomaaliya halkii diyaarad waxaa laga qaadaa $ 270, xilligan aan qorayo warbixinran waxaa hawada Soomaaliya maraya 12 diyaaradood
12x$270= 3,240 waa hal saac oo kaliya oo kaliya.
Haddii la yiraahdo maalitii 24x $32,240= $77,760.
Haddii la yiraahdo bil haloo xisaabiyo waa 77,760 x30= $2,332,800.
Haddii sanad ama 12 bilood lagu dhufto waa 2,332,800 x 12= 27,993,600 (Labaatan iyo todobo milyan sagaal boqol sagaashan iyo sadex kun iyo lix boqol)
Lacagtaas haddii 30-kii sano ee Soomaaliya burburka ku jirtay lagu dhufto waa lacag hal bilyan ku dhow.
Intaas oo lagu daray kaluumaysiga sharci darada ah oo Soomaaliya ay uga lunto 350 milyan oo doolar sanad kasta, sida ay sheegtat Qaramada Midoobay.
Ka waran lacagtaas oo Soomaaliya si eex iyo
Musuqmaasuq ku jirin loo gelin lahaa dhinacyada, dib u heshiisiin siyaasadeed iyo shacab, maamul wanaagga,dhismaha cuddud ciidan, dib u dhiska dalka, arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dib u soo celinta qaxootiga iyo adeegyada aasaasiga ah?
Sow la isma oran karo Soomaalidu wax aan loo joogin ayeyba isku haystaan? oo waa sida laba qof oo timo laheyn oo isku haysta shanlo!
Gacmo hoorsiga iyo quursiga shisheeyaha waxaa looga bixi karaa marka Soomaalidu garato inta ay is haysato in dusha laga haysan doono, lana helo hogaamiyeyaal siyaasadeed oo danahooda gaarka ah diyaar u ah inay ka hormariyaan danaha guud.
Ra’yigaaga inala wadaag adigoon shakhsi, ama dad gooni ah xadgudub u geysan.
Fadlan #SHARE-GARAY oo Lawadaag asxaabtad
View more on Facebook
This site was designed with Websites.co.in - Website Builder
We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!
Have a great day!
Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support