KHATARAHA EARPHONE KA AMA XARIGA DHAGAHA, In aad saacado ba...

By Ibrahim Maxed
5th August, 2019

KHATARAHA EARPHONE KA AMA XARIGA DHAGAHA, In aad saacado badan aad isticmaasho xariga dhagaysiga dhagaha ama aadba ku seexato isaga oo kuugu jira ayaa leh khataro aad u badan oo wax yeelo ugeysan kara nafsadaada, waxaana kamid ah dhibaatada ka dhalata, = Dhimashada Unugga dhagta: hadii uu waqti dheer uu kuugu jiro Earphone ama ku seexato isaga oo kuugu jira ayaa unuga ay ka koobantahay dhagtu u keeneyso in ay ka yaraadaan wareegii dhiigga ee soo gaarayey taas oo kuu horseedeysa in ay dhimato qayb kamid ah dhagtaada, = Dhukey badan oo xira maqalka: Dhagta ayaa si caadi ah u soo saarta dhukey si uu uga difaaco xuubka dhagta waxyaalaha dhibaatada u keeni kara, Hadaba isticmaalka badan ee Earphone xariga dhaga ayaa keena in dhagto ay soo saarto dhukey ka badan intii loo baahnaa kaas oo keenaya in ay awdanto dhagto sidaasna uu maqalkii ku yaraado, = Guux, dhawaq iyo Sharqan dheer ama qaylo uu qofku dareemayo, Xaaladdaani inta badan waxaa sababa dhaawaca unugyada timaha ee cochlea. Unugyada timaha ayaa mas'uul ka ah inay u beddelaan mawjadaha dhawaaqa, Tani ayaa qofka ku sababeysa in uu maqalada hoose uu u dareemo maqal dheer oo qaylo ah oo uu aad u dhibsado, mararka qaarna uu maqlo guux iyo sharqan aan jirin. = Caabuq ama infakshin ku dhaca dhagaha: Dad badan ayaa wadaaga ama isku dhiib dhiiba Earphonada oo isla isticmaala, waana waa wax Soomaalida caadi ay u aragto wadaagida Hal xarig dhage, hadaba arinta wadaagida earphonada ayaa khatar kuu horseedi karta in uu kugu dhaco caabuqyada dhagaha maadaamo xariga dhagaha uu gudbin karo jeermisyada isaga oo kasoo qaadayo qof una gudbinaya qof kale oo ay isla isticmaaleen hal Earphone, Taas oo fududeenkarta in caabuqyadu ay u gudbaan maskaxda maadaama ay aad iskugu dhawyihiin dhagaha iyo maskaxdu kuuna keeni karta in aad dhumiso awoodahaagii jimsi iyo caqli ahaan qayb kamid ah. Hadaba ka digtoonoow in aad qof la wadaagto hal Earphone. Sidoo kale isticmaalka waqti dheer uu kuugu jiro dhagaha xariga earphone ayaa kordhin karta in uu jeermis ku dhasho dhagahaaga = Maqalka oo Lumaya dhagoolnimo: Xariga dhagaha ayaa marka aad xirato soo saaraya dhawaq toos u gaaraya maskaxdaada kana dheer maqalkii caadiga ahaa aysana xamili karin dhagtaadu, Joogteynta waqti dheer xariga dhagaha ayaa keenta dhagoolnimo xitaa hadii aad isticmaasho waqti gaaban oo aad codka sameecadaha aad dheerasato. = Cun iyo xanuun joogta ah oo mar walba dhagaha aad ka dareento ayaa waxaa keena isticmaalka xariga dhagaha. = dhagta si toos ah ugu xiran maskaxda aadna ugu dhaw sidaas la'adligeed dhibaato walba oo gaarta dhagaha ayaa si dhokhso ah ugu gudubta maskaxda, Dhamaan caabuqyada ay horseedaan xariga dhagaha ayaa u gudbi kara maskaxda taas oo ah xaalad khatar ah oo uu qofku ku waayi karo nolashadiisa caadiga ah. = waxaa yaraanaya fahamkaada iyo xasuustaada taas oo kuu horseedaysa in ay waxbarashadu ay kugu adkaato hadii aad waqti dheer ama joogteyso isticmaalka xariga dhagaha. Fadlan faafi oo gaarsii asxaabtaada ama halkaan ugu wac si ay u ogaadaan khatartaan.

View more on Facebook

This site was designed with Websites.co.in - Website Builder

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support