OGOOW QOFKA AAD DHIIG KA QAADAN KARTO IYO QOFKA AAD U SHUBI...

By Ibrahim Maxed
11th July, 2019

OGOOW QOFKA AAD DHIIG KA QAADAN KARTO IYO QOFKA AAD U SHUBI KARTO Dhowrkii ilbiriqsi oo walba qof dunida ku nool ayaa u baahan in uu helo dhiig lagu shubo si loo badbaadiyo nolasha qofkaas, Hadana saas oo ay tahay wax fudud ma ahan in inta qof dhiig laga shubo qof kale lugu shubo oo waxa ay u baahan tahay taasi labada qof ee dhiiga loo kula shubaya in ay islahaadaan dhiigooda, Islahaanshaha dhiiga kuma xirna wada dhalashada ama qaraabada oo qasab ma ahan walaalkaa ama waalidiintaa in aad isku dhiig noqotaan oo waa kala duwanaan kartaan. Dhiiga dadka waxaa loo qaybiyaa 4 Nooc oo halkii noocba waxa uu noqonaya laba nooc oo kala ah posative iyo Negative A- A+ B- B+ AB- AB+ O- O+ QOFKEE DHIIG U SHUBI KARTAA QOFKEESE DHIIG KA QAADAN KARTAA? A- qofka uu dhiigiisu uu yahay waxa uu dhiig u shubi karaa dadka uu nooca dhiigoodu uu yahay A- A+ AB- AB+ 4taas qof ayuu dhiig u shubi karaa kaliya waxa uuna dhiiga ka qaadan 2 qof oo kaliya oo kala ah dadka dhiigoodu uu yahay A- iyo O-. A+ qofka uu dhiiguusu uu yahay waxa uu dhiig u shubi kara dadka uu dhiigoodu uu yahay A+ iyo AB+ oo kaliya. Waxa uuna ka qaadan isagu dadka uu dhiigoodu yahay O- O+ A+ A- B+ qofka uu dhiigiisu uu yahay isna waxa uu dhiig u shubi kara dadka uu nooca dhiigoodu uu yahay B+ iyo AB+ oo kaliya Waxa uuna dhiiga ka qaadan karaa dadka uu nooca dhiigoodu uu yahay B+ B- O+ O-. B- qofka uu dhiigiisu uu yahay waxa uu dhiig u shubi karaa B- B+ AB- AB+ Waxa uuna dhiiga ka qaadan karaa qofka ah B- iyo O- oo kaliya. AB+ qofka uu dhiigiisu uu yahay waxa uu dhiig u shubi karaa B+ iyo AB+ oo kaliya Waxa uuna dhiiga ka qaadan karaa dhamaan dadka oo dhan nooc kasta uu u yahay dhiigoodu, waa qof nasiib badan qofkaasi oo dhiigiisa aanan lawaayin oo cid kasta looga shubi karo. AB- dadka uu dhiigoodu uu yahay waxa ay dhiig u shubi karaan AB- iyo AB+ oo kaliya Waxa ayna dhiig ka qaadan karaan dadka ah O- A- B- AB- . O+ qofka uu dhiigiisu uu yahay waxa uu dhiig u shubi karaa A+ O+ B+ AB+ waxa uuna dhiig ka qaadan karaa O- iyo O+ oo kaliya. O- qofka uu dhiigiisu uu yahay waxa uu dhiig u shubi karaaa dhamaan dadka oo dhan nooc walba oo dhiigoodu uu yahay , waa qof deeqsi ah ayeynu dhihi karnaa qofka O- ah maadaama uu cid walba uu siin karo. Waxa uuna dhiig ka qaadan karaa O- oo kaliya. oo cid aan O- ahayn dhiig kama qaadan karo qofkaasi, Waxaana lagula talinayaa dadka dhiigoodu uu O- ta uu yahay in ay dadka iskaga dhawadaan oo is xiriiriyaan lanbarada ay kala qaataan maadaama midkood uu u baahan karo dhiig uuna kaliya ka qaadan karo dhiig qof O- uu dhiigiisu uu yahau oo oo kaliya. Dhiigaada waa noocee adigu? Gaarsii asxaabtaada oo u SHARE garee si ay uga faaiideystaan ama halkaan uga wac qof ama labo muhiim kuu ah.

View more on Facebook

This site was designed with Websites.co.in - Website Builder

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support