Cudurada ku dhaca xubinta taranka dumarka iyo waxa keena? C...

By Ibrahim Maxed
6th July, 2019

Cudurada ku dhaca xubinta taranka dumarka iyo waxa keena? Calaamadaha Calaamadaha la arko marka xubinta taranka haweenka cudur hayo waxaa ka mid ah: Xubinta taranka haweenka oo cuncunta, gubasho xubinta dhexdeeda ah, xanuun iyo dheecaan ka yimaado xubinta, waana sababaha ugu badan ee haweenka u raadiyaan inay la tacaalaan, waxaana inta badan keena cuduro ku dhaca xubinta taranka haweenka iyo caabuq keena xanuunadaas. Haweenka jooga da’da uurka lagu qaado ama xiliga ugu horeyso ee uu ku dhaco dhiiga caadada, waxaa u keena dhibatadan bacterial infection calaamada ugu caansan waa dhecaan xooga urta kalluunka oo kale leh ayaa ka yimaado laakin haweenka qaar malahan calaamado si sahlan ayaana loo daaween karaa hadii ay gabadha dhaqso u raadiso daaween. Hadaba waxaa looga baahan yahay gabadha inay ku dadaasho nadafada xubinteda si ay uga badbaado cuduradaas kuwaas oo u keeni karto gabdha inay xitaa dhib kala kulanto inayba uur qaadi weyso hadii ayba qabto infection-daan. Xiliyda ay nadaafada ku dadaaleyso haba ugu badnaato xiliga ay ka qubeysaneyso dhiiga caadada iyo xiliga ka danbeeyo marka ay galmood la sameeso odaygeeda. Sidoo kale gabadha waxaa looga baahan yahay inay isticmaasho hoos gashi ama kastuumo kasmeysan dun oo aysan isticmaalin kastuumoyinka ka sameesan Nylon-ka ama polyester-ka kuwaasi waxay xadidaan hawadii fareeshka aheyd ee gali laheed meeshaas iyo tii kasooo bixi laheed waxayna inta badan keenaan huur iyo cun cun badan taas oo sahasho inuu meeshaas ka dhasho fungus oo horseed u noqdo inuu gabadha ku dhaco infection. Hadaba waa maxay calaamadaha ay gabadha isku aragto markuu jiro infection • Cun cun xubinta taranka ah • Kaadida oo gubta gabadha marka ay kaadineeso • Galmoodka oo dhibo • Xubinta oo soo urta ( tan marmarka qaar waxay ka imaan kartaa nadaafad darro) • Xanuun dhinaca gumaarka ah ilaa qaarka hoose ee dhabarka • Caajis badan oo ay dareento gabadha iyo kuwa kale oo badan Hadaba sida ugu wnaagsan ee looga hortagi karo waa iyada oo gabadha ku dadaasho nadaafada xubinteeda sida ay uga fikirto wajigeeda waayo gabdhaha inta badan waxay ka fikiraan sidii ay wajiga uga nuuri laheed waxaase ka muhuumsan xubinta inkastoo wajigana uu mudnaantiisa leeyahay sida aad uga fikirto wajiga si la mid ah uga fikir xubintaada taranka

View more on Facebook

This site was designed with Websites.co.in - Website Builder

WhatsApp Google Map

Safety and Abuse Reporting

Thanks for being awesome!

We appreciate you contacting us. Our support will get back in touch with you soon!

Have a great day!

Are you sure you want to report abuse against this website?

Please note that your query will be processed only if we find it relevant. Rest all requests will be ignored. If you need help with the website, please login to your dashboard and connect to support